

TAARIIKHDA XISBIGA
(Muqdisho: 26-02-2015) Dadaal soo socday muddo sanad ka badan kadib, waxaan qabsanay Shir-weynahii kowaad, Annagoo ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay duruufta dalku marayo ee xagga Siyaasadda, Dhaqaalaha & Bulshada, Isla- markaasna dareensan waajibaadka ka saaran badbaadinta dalka & dadka.
Sidoo kale markaan aragnay Qod. 22aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxan aasaasnay Xisbiga magaaciisa la yiraahdo Kulan.
Mudadii Shir-weynaha uu noo socday (19-20/02/2015) waxan ansixinay Xeer Hoosaadka Shirweynaha, Xeerka Xisbiga, waxan si dimuquraadiyad ah oo waafaqsan Xeerarka Xisbiga dooranay Hogaanka Xisbiga iyadoo Gudoomiyaha Xisbiga Kulan loo Doortay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij), sidoo kalena loo doortay Gudoomiyaha Golaha Dhexe Mudane Muxyudiin Maxamed Xaaji Ibraahim.
Gabagabadii Shir-weynuhu waxa uu walaac ka muujiyay Duruufta adag ee siyaasadeed, dhaqaale, iyo Amni ee dalku marayo iyadoo mudadii la soo dhaafay uu hareeyay geedi socodka siyaasadeed khilaafaad, dhanka amaankana dib u dhac weyn, duruufta dhaqaale ee dadka iyo dalka haysatana waxay noqotay mid aad u liidata, iyadoo rajadii ay Bulshada Soomaaliyeed & Beesha Caalamku ay ka qabtay Hogaanka Dalkana uu mugdi galay .