
HORUMARINTA BULSHADA
Bulshadu waa Shacabka Soomaaliyeed oo ay sharaf noo tahay inaan u shaqeyno, oo aan hogaamino ka fakarno daryeelkiisa, caafimaadkiisa, waxbarashadiisa, shaqadiisa, hoygiisa, si arimahaas iyo kuwa kale oo shacabkeenu u baahan yahay aan u taaba gelino, waxaynu qaadaynaa talaabooyinka soo socda:-
DARYEELKA QOYSKA:
Qoysku waa gundhiga koobaad ee Bulshada, wuxuna Qoysku ka qeyb qaadanayaa ilaalinta iyo isku-xirnaanta Bulshada.sidaa darteed xisbkigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-
-
Fidinta dareen ku saaban muhimada qaranka uu u leayahay qoyska, wadajirka qoyska, iyo barbaarinta ubadka.
-
Dhiirigelintabaaritaanka Caafimaad iyo Tababarka lamaanaha guurka ka hor, si loo helo qoys caafimaad qaba, si wadajir ahna u maamuli kara guriga iyo khilaafaadka qoyska.
-
Daryeelida kuwa waaya gabaadkii Qoyska sida Agoonta, Naafada, Waayeelka iyo Caruurta darbi jiifka ah.
-
Asaasida Hay’ad dejisa Siyaasad iyo Qorsho dheer oo looga baabinayo Darbi-Jiifnimada, iyadoo lala kaashanayo Dowladdaha Hoose iyo Hay’adaha Bulshada rayidka.
-
Wacyi gelinta Hooyada, kobicinta xirfadaha lagama maarmaanka u ah Guriga iyo Ubadka.
-
Ka hortaga Isticmaalka Mukhaadaraadka, iyadoolala tacaalayo kuwa isticmaalasi loo badbaadiyo qoyska.
-
Ka wacyi gelinta qoyska sidii ubadkooda ay tarbiyo diineed iyo wadaniyadeed sax ah u siin lahaayeen, si looga hortago Afkaarta guracan ee Argagixsnimada salka ku haysa.
-
Kafaala qaadka Qoysayka Faqiirka ah, si looga hortago tuugsigsa, iyo ku xadgudubka xuquuqda caruurta ee waxbarasho.
-
Dejinta Sharciyo ilaalinaya Caruurta iyo Haweenka, xadgudubka qoyska dhexdiisa ah, iyo sameynta xaruumo lagu badbaadiyo kuwa lagu xadgudbay.
-
Ka hortaga gudniinka Fircooniga ah, oo caruurta ku ah xadgudub, iyo dhibaato caafimaad, waxaana la sameeynayaa sharci ilaaliya caruurta.
-
Dowlada in ay u dhisto guryo qoysaska faqiirka ah, iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo.
-
Dhiirigelinta Guurka Dhalinyarada si loo dhowro Anshaxa guud ee Bulshada, loona kobciyo Taranka Ummadda Soomaaliyeed.
DARYEELKA HAWEENKA:
Xisbigu wuxuu si hagar la’aan ah uga shaqeeynayaa horumarinta Haweenka, iyo helida xuquuqdooda, Bulsho, Daqaale iyo siyaasadeed si ay ubadkeena, Bulshadeena iyo dalkeenuba u hormaro sidaa darteed xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinkaan soo socda:-
-
Ku dhiiri gelinta Haweenka in ay waxbartaan kana qeyb qaataan Horumarinta Dalka ee Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasad.
-
Taageerida Hay’adaha iyo ururada ku howlan horumarinta Haweenka.
-
Dejinta Siyaasado iyo Sharciyo dhowraya in aan lagu xadgubin Haweenka dhan walba, gaar ahaan, Jinsi sooca, Dhaxal u diidida, Kufsiga, Guurka Qasabka ah iyo Jir-dilka.
-
Ku dadaalida Kordhinta Saamiga Haweenka ee Waxbarashada, Shaqada, Kuraasta Barlamaanka, Golaha Wasiirada.
-
Daryeelida Haweenka dakhligoodu hooseeyo, kuwa lagu xadgudbayiyokuwa miyiga degan.
-
Dejinta Sharciyo Dhowrayahooyada shaqeeysa xiliyada ay ku jirta dhalmada iyo nuujinta.
DHALINYARADA IYO ISBOORTIGA:
Dhalinyaradu waa lafdhabarka horumarka Bulshada sidaas darteed xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-
-
Ku Dhiirigelintadhalinyarada in ay yeeshaan Aqoon iyo xirfad.
-
Ka hortagida Darbijiifnimada, Tuugsiga, Isticmaalka Mukhaadaraadk, Tahriibka, Burcad Badeednimo, iyadoo loo abuurayo dhalinyarada fursadoShaqo.
-
Aasaasidda Xarumo, Hay’ado, Ururo dhalinyaro oo Heer Qaran, Gobol iyo Degmo, oo ka shaqeynaya wacyigelinta, iyo jir dhiska Dhalinyarada.
-
Dhiirigelinta In dhalinyaradu Dowr ku yeelato Siyaasadda dalka, Lana dhiiri geliyo sharciyada fududeynaya arinkaas.
-
Dhiiri gelinta Dhalinyarada in ay ku takhasusaan Culuumta Siyasaada iyo maamulka Dowladda iyo Horumrinta Mujtamaca.
-
Xoojinta Kalsoonida ay Shacabkeenu ku qabaan Dhalinyarada, iyo kalsoonida ay Dhalinyaradu ku qabaan Dalkooda Hooyo.
-
Daryeelka iyo Horumarinta si gaara Dhalinyarada ku nool Miyiga iyo duleedka Magaalada, iyo isku xirka dhalinyaradaas iyo kuwa Magaalada.
-
Xoojinta Hidaha iyo dhaqanka, Wadaniyada iyo wax-aqrinta dhalinyarada
-
U diyaarinta Dhalinyarada in ay kaalin hore ka galaan tartanada Afrika, Carabta iyo Caalamka ee Waxbarashada, iyo Isboortiga.
-
Daryeelka Dhalinyarada leh mawaahib gaarka ah ee waxbarashada iyo Isboortiga.
-
Dejinta Siyaasad iyo Sharciyo, lagu hormarinayo Sportiga.
-
Kor u qaadista wacyiga Bulshada ee ku aadan Ciyaartooyda iyo Ciyaaraha iyadoo la fiirinayo dowrka caafimaad, dhaqaale iyo sumcad oo ay dalka iyo dadkaba u soo hoynayaan.
-
Dhisida; iyo horumarinta Hay’ado, kooxo, garoono iyo iskuulo isboorti oo la jaanqaadaya horumarka uu aduunka ka gaaray dhanka Isboortiga, si loo helo Dhalinyaro xirfad sare leh oo guulo waaweyn ka soo hooyo qeybaha kala duwan ee ciyaaraha gudaha iyo dibadda.
-
U fidinta taageero dhaqaale oo mug leh Kooxaha iyo Ciyaartooyada soo hoysa guulo gudaha iyo dibadda.
-
Dhiirigelinta iyo taageero gaarah u fidinta Ciyaartooyda Naafada ah.
-
Dhiiri gelinta Ciyaaraha heerarka hoose sida Xaafadaha, degmooyinka, Gobolada, iskuulada, iyo jaamacadaha si ay usoo saaraan Cayaartooy xirfad leh.
-
Daryeelka Cayaartooydii hore ee qaranka u soo hooyay macag iyo guulo.
HORUMARINTA REER MIYIGA:
Bulshada Soomaaliyeed badankeed ayaa ku nool Miyiga, iyagoo Xoolo dhaqato iyo Beeraleey ah sidaa darted xisbigu wuxu mudnaan gaara siinayaa horumarinta reer miyaga isagoo qaadaya talaabooyinka soo socda:-
-
Horumarinta Xirfadaha casriga ee Dhaqashada Xoolaha iyo tacbashada Beeraha.
-
Horumarinta Mashaariicda; Ceel qodista, Waro sameynta, iyo Dhisida Biyo Xireeno si looga haqab tiro xaga biyaha Reer Miyiga.
-
Ka hirgelinta Nidaam waxbarasho iyo Caafimaad oo la falgali kara qaab nololeedka reer miyaga, iyadoo lagu wacyo gelinayo laguna qiimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ay u leeyihiin horumarinta noloshooda.
-
Ka hortaga Colaadaha salka ku haya Qabyaalada, Biyaha, daaqa, iyadoo la wacyi gelinayo, la gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah iyo awooda sharciga.
-
Ku baahinta Adeegyada Asaasiga iyo nolosha Casriga ah Miyiga si loo yareeyo ku qulqulka magaalooyinka, taasoo dhawacysa isku dheelitirka Kobaca dhaqaalaha dalka.
WAXBARASHADA, BARBAARINTA IYO CILMI BAARISTA:
Anagoo garwaaqsan mudnaanta ay leedahay Aqoonta, dareensan in dhibaatada soomaaliya ragaadisay ay sabab u tahay Aqoondarida xisbigu wuxuu qaadayaa si loo horumariya Aqoonta, Barbaarinta iyo Cilmi Baarista wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-
-
Xisbigu wuxuu Abaabulayaa Ololayaal wacyi gelineed oo ku wajahan Qiimaha ay leedahay Waxbarashada, Barbaarinta, iyo Cilmi Baarista.
-
Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa ololayaal loogala dagaalamayaa Bulshada wax qoris iyo aqris la’aanta.
-
Xisbigu wuxu dhiiri gelinayaa Waxbarashada Gabdhaha, Dadka leh baahiyaha gaarka ah (Naafo), iyo Mujtamacaadka laga tira badan yahay ee ka fog waxbarashada.
-
Ka shaqeynayaa iyadoo la fiirinayo baahida horumar ee dalka in dhamaan muwaadin kasta helo waxbarasho heer kasto ah, dowladuna ay awood u yeelato in dhamaan Dhalinyaradu helaan fursadahaas.
-
In Waxbarashda ilaa dugsiga sare noqoto mid waajib ah, sharci ciqaabayana loo sameeyo waalidka ka gaabiya gudashada Xaqaas Caruurtu leeyihiin.
-
Dib usoo celinayaa Waxbarashadii Xukuumadu gacanta ku haysay sida Dugsiyada Hoose, dhexe, Sare, iyo jaamacadii Ummadda, iyadoo loo yeelayo tayo la mida am ka sareeysa kuwa gaarka loo leeyahay si Bulshadoo dhan ay u hesho waxbarasho heer kasta ah oo tayo leh.
-
Waxaa la daryeelayaa lana dhiirigelinayaa Xaruumaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahaiyadoo mar walba la ilaalinayo tayada waxbarasho ee Hay’adaha iyo xaruumaha gaar ah ay bixinayaa.
-
Dhiirigelinta in Jamacadaha Aduunka ay laamo ka furtaan gudaha soomaaliya si loo daboolo baahida waxbarasho ee dalka ka jirta.
-
Si Dalku u horumar degdeg ah u gaaro, waxaa la sameynayaa Machadyada farsamada gacanta, dugsiyada caafimaadka, Beeraha, Badda, Xisaabtaadka, Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha.... IWM.
-
Dhiiri gelinta sidii loo heli lahaa kaadir ku takhasusa laamaha cilmiga ee baahida gaar ah dalka iyo dadku u qabaan.
-
Abuurista iyo Baahinta Kaabayaasha Tacliinta, sida Baktabadaha, Qorista Buugaagta, Shaybaarrada, Madbacadaha IWM.
-
Dhiiri gelinta Cilmi barista Guud ahaan gaar ahaan taariikhda, iyo Hidaha Soomaaliya, Dhibaatooyinka Hortaagan Nabada, iyo taabagalka dowaladnimada.
-
U ololeynta In Barbaarinta Ubadka iyo Bulshada(Civic Education) ka mid noqoto manhajka waxbrashada, si loo baahiyo Akhlaada suuban, Wadaniyada, Hidaha Nabadda, Wadanoolaanshaha, Isdhexgalka Bulshada, Ilaalinta xuquuqda Shaqsiga iyo Bulshada.. IWM.
HIDAHA IYO DHAQANKA:
Ummadda Soomaaliyeed waxay leedahay Hide iyo Dhaqan facweyn, oo saldhig u noqon kara horumar dhan walba ah iyo ilbaxnimo, Faafinta iyo xoojinta Hidaha iyo dhaqanka suuban ee Umaddena waxaan u mareynaa Talaabooyinka soo socda:
-
Ku wacyi gelinta iyo barista shacabka iyo ubadka Muhimadda uu leeyahay Hidaha iyo Dhaqanka.
-
Daryeelida Abwaaniinta, Fanaaniinta, Laxamiistayaasha iyo Muustika yaqaanada, Farshaxaniistayaasha, iyo ku xeeldheerayaasha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
-
Xoojinta Haya’adaha Hiddaha iyo Dhaqanka, sida Matxafka Qaranka, Maktabada Qaranka, Akaadeemiyada Fanka, Suugaanta iyo Cilmi barista, Golaha murtida iyo Madadaalada, Kooxaha Fanka.
-
Xoojinta Cilmi baaristaku saabsan hidaha, Dhaqanka iyo Ilbaxnimadiihore ee Soomaaliya.
-
Abaal marinta, Qadarinta dhamaan ku xeel dheerayaasha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
-
Si ay u helaan xuquuqdooda Maaliyadeed waxaa xisbigu ka shaqeeynayaa sidii loo fidin lahaa wacyi ku saabsan xuquuqda Allifitaanka, iyadoo la dejinayo sharco dhowra xuquuqda allifayaasha.
-
Si looga hortago dabar go’a aqoonta Mustikada soomaaliya(Jaranjarada Shanaad) waxaa la aasaasayaa Machadka Sare ee Muustikada iyo Masraxa.
CAAFIMAADKA:
Xisbigu wuxuu dareensan yahay caafimadka inuu hormuud u yahay Horumarka Bulshada ee dhan walba, kana mid yahay xuquuqda aasaasiga ah ee ay tahay inuu helo muwaadin kasta, sidaa darteeed waxaa uu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-
-
Dowladaha hoose in lagu gacan siiyo sidii loo hirgelin lahaa Siyaasado iyo Qorshooyin ku saabsan Fayo-Dhowrka (General Hygiene), si loo helo Deegaan nadiif ah, dhireynta, Biyo nadiif ah, iyo ka hortaga Cudurada faafa.
-
Gaarsiinta Dhulka Baadiyaha (Miyiga) adeega Caafimaad, iyadoo gacan lagu siinayo Dowlada Hoose, Wasaarada Caafimaadka iyo Bulshda rayidkaba in ay ka sameeyaan Mashaariic Caafimaadka Guur-guura(Mobile Medical Units).
-
In Xaruumo Caafimaad laga hirgeliyo Dhamaan Dalka iyadoo la gaarsiinayo Heer Xaafad iyo Tuulo, kuwaasoo ay ka howlgalayaan xeel dheerayaal caafimaad si loo daryeelo Dhalaanka iyo Hooyada, loogana hortago Cuduruda.
-
In Degmo walba oo dalka laga dhiso Cusbitaal weyn oo laga helayo dhamaan takhasusuyada Muhimka ah.
-
In dalka laga hirgeliyo macaahid Caafimaad, Waxbarasho Jaamacadeed oo lagu baranayo oo qeybaha kala duwan ee Caafimaadka banidamka, si loo daboolo baahida Bulshadu u qabto Aqoonyahan Caafimaad oo khirbad leh.
-
In la dhiiri geliyo Deeqo Waxbarasho oo Dibada ah gaar ahaan takhusuyada Sare, si loo helo kaadir Caafimaad oo khirbad sare leh, si looga maarmo baahida caafimaad ee Shacabku dibada ugu safrayaan.
-
In Dalka laga hirgeliyo Hay’ad qiimeysa tayada Daawada iyo Cuntooyinka dibada laga soo dhoofiyay, si looga hortago daawada iyo cuntada dhacday ama tayadoodu liidato.
-
In sharci adag lala tiigsado kuwa ka ganacsada Daawooyinka iyo cuntada tayadoodu liidato ama dhacday.
-
In laga shaqeeyo sidii loo cirib tiri lahaa Cudurada la daaweyn karo sida TB, Duumada, Dabaysha, lagana hortago Cudurada laga hortagi karo fiditaankooda, sida HIV/IDS. Iyo sidii loo daweyn lahaa Cudurada aan lakala qaadin sida; dhiigkarka, sonkorta, kansarka iyo cudurrada wadnaha.
-
In la sameeyo Sharci nidaamiya ka shaqeynta Caafimaadka, iyo aassaasida iyo maamulka Rugaha Caafimaadka kuwa guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo Qiimeynta Shahaadooyinka si meesha looga saaro rugaha caafiamaadka aan u qalmin in baniadam lagu daaweyo, iyo sidoo kale dhaqtar beenaaadka.
-
Dejinta Siyaasad iyo Qorsho dalka Soomaaliya lugu gaarsinayo an Iskufilnaasaho dhinacya; kaadirka, Xaruumaha, iyo Qalabka Caafimaad, si ay soomaaliya u noqoto Dalalka ku horeeya dhinaca Caafimaadka.
DARYEELKA NAAFADA:
Xisbiga wuxuu dareemaya dhibaatada haysata kumanaan qof oo soomaali ah oo waxyeelo gaartay xubnaha jirkooda, balse u baahan gacan qabad kadibna ay ka qeyb qaadan karaan horumarka dalka iyo dadka, si loo daryeelo xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinkan soo socda:-
-
U ololeeynta iyadoo lala kaashanayo Ururada ay leeyihiin Dadka baahida Gaarka ah Qaba(Naafada), Xuquuqdooda Siyaasadeed, Waxbrasho, dhaqaalo iyo Horumar.
-
In wacyi gelin balaaran laga sameeyo aragtida qaldan ee Bulshadu ka qabaan naafada, lana muujiyo dowrka ay ka qaadan karaan horumarka dalka.
-
In la dhiso Xaruumo lagu dareelayo kuwa qaba cudurada dhimirka.
-
In la sameeyo Warshadaha soo saara qalabka naafada ay adeegsadaan.
-
In la dhiiri geliyo tacliinta hoose, dhexe, sare iyo jaamacadeed ee Naafada, goobaha waxbarashadana laga helo qalabka iyo macalimiinta ay u baahan yihiin, Goobo u gaarahna loo sameeyo.
-
In La dhiso Hay’ad Qaran oo daryeesha Naafada Soomaaliya kana shaqeysa horumarintooda.
QAXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA:
Soomaali badan ayaa ah qaxooti iyo barakacayaal, si dib loogu celiyo dalkoodii iyo deegaankoodii loona dhowro xuquuqdooda xisbigu wuxuu qadayaa talaabooyinka soo socda:-
-
Xigbigu wuxuu mahad celinyaa Haya’adihii, dalalka iyo shucuubtii garab istaagtay Qaxootiga iyo Barakacayaasha.
-
Xisbigu wuxuu u doodaya xuquuqda qaxootiga soomaaliyeed kana dhiidhinaya xadgudubyada iyo tacadiyada ka dhanka ah.
Dhanka kale Xisbigu wuxuu ka shaqeynaya sidii iyagoo rabitaankooda u xor ah, sharaf iyo xurmo huwan Dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa.
-
Wuxuu xisbigu xoojinayaa Hay’adda Qaxootiga Soomaaliyeed, sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa.
-
Xisbigu wuxuu u arkaa Mushkilad Bulshadeed, mid dhaqaale in xeryaha Barakacayaashu sii jiraan sidaad darted Xisbigu wuxuu sameynayaa hay’ad qaabilsan barkacayaasha si loogu celiyo degaanadoodii, dibna ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo waxsoosaarka dalka.
QURBO JOOGTA:
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay xuquuqda iyo waajibaadka Qurbajoogta iyadooxisbigu dareemayo dowrka sii xoogeysanaya oo ay ku leeyihiin horumarinta dalka sidaa darteed xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa :-
-
Ka warqabka Qurba-joogta Soomaaliyeed, dhowrista dhaqanka, iyo barista luqadda Soomaaliga ubadka ku dhashay dalalka shisheeye.
-
Uga faaideynta dalka iyo dalka Aqoonta, Khibrada, Maalgashiga, iyo xiriirka Qurbajoogta ay la leeyihiin dalalka ay ku sugan yihiin.
-
Dhiirigelinta sidii Qurbo-joogtu uga faa’ideysan lahaayeen dalalka ay tageen ama ay ku dhasheen, dhanka tacliinta, ayna saameyn ugu yeelan lahaayeen dhaqaalaha, Waxbarashada, iyo Siyaasadda Dalalka ay tageen.
-
Ka hortagida in aragtiyada Xag-jirnimada ku faafto Qurbo-joogta dhexdooda iyadoo loo adeegsanayo Culumida iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.
-
Difaacidda xuquuqda Qurba-joogta soomaaliyeed sida waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah.
-
U Sameynta Qurbo-joogta Usbuucyada dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo Xusida maalmaha Qaranka.
-
Ku Dhiirigelinta Qurbo-joogta ku soo laabashada Dalka iyo Maalgashiga.
-
Dhisida Hay’ad gaara oo ka shaqeysa tirakoobka, horumrinta iyo ka faa’ideysiga Qurba-joogta.
BULSHADA RAYIDKA:
Bulshada Rayidka waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwii horseedka ka ahaa kasoo kabaashadii burburkii dowladii dhexe dowr weyna ka ciyaaray, Nabadda, Dib u heshiisiinta, horumarinta waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, kobcinta wacyi xuquuqul insaanka.. IWM.. Waxay sidoo kale dowr weyn ka qaadan karaan xoojinta dowladnimada iyo toosinta xukuumadaha sidaa darteed Xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-
-
Xisbigu wuxuu Dejinayaa Siyaasado iyo Sharciyo Daryeelaya, dhiirigelinaya, hormarinaya Ururada Bulshada Rayidka.
-
Xukuumada iyo Xisbigubawaxay iskaashi kala yeelanayaan Bulshada rayidka ah dhinacyada Horumarka siyaasada, Dhaqaalaha, iyo Bulshada.
-
Daryeelayista iyo Hormarinta Odayaasha Dhaqanka si loo adkeeyo dib u heshiisiinta, nabadda, isfahamka iyo isdhexgalka Bulshada.
-
Horumarinta Ururrada haweenka, dhallinyarada, ardayda iyo xirfadleeyda.