

Aragtida Xisbiga Kulan:
Soomaaliya oo nabad ah, Xasiloon, Dimuraadi ah, oo Shacabku ku jiraan horumar dhaqaale, Sinaan, Cadaalad, iyo isdhexgal bulshadeed, lana xushmeynayo Dustuurka iyo Shuruucda Dalka.
HORDHAC
Febraayo 26, 2015
Anagoo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo og dhibaatada ka taagan dalkeena ee siyaasadeed, nabad gelyo, dhaqaale iyo Bulshadeed ayaan waxan go’aansanay in aan dhidibada u taagno xisbi Rayid ah oo awooda ku gaaraya wadiiqooyin nabad ah, kana shaqeynaya “Helid aragti siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Soomaali leh dareen wadaniyadeed, tayo aqooneed, siyaasadeed, khibrad iyo dhaqaale oo u istaagta badbaadinta dalka iyo dadka, iyagoo u maraya; sinaan, caddaalad, wadatashi, iyo maamul wanaag” .
Waxaanan halkaan kusoo gudbineynaa Barnamijka siyaasadeed ee Xisbiga, kaasoo ka tarjumaya aragti fog oo ku saleysan wadaninimo kana shaqeynaya xoojinta dowladnimada, ilaalinta Qaranimada, iyo xoojinta xiriir iskaashi oo nagala dhaxeeya dunida inteeda kale.
Dhanka kale barnamijka Xisbigu wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa dareeylka bulshada, ilaalinta xuquuqda Baniaadamka ,daryeelka iyo horumarinta shaqaalaha iyo qeybaha bulshada ee nugul. Barnamijka Xisbigu wuxu si cad ugu baaqayaa in laga shaqeeyo horumarinta Deegaanka iyo daryeelka duurjoogta.