top of page

 

HORUMARINTA DHAQAALAHA

 

Dalkeenu waa barwaaqo leh xoolo, Beero, Kheyraad Badeed, Shidaal, macaadin iyo Dalxiis, Dhanka Ganacsiga dunidana ka ciyaari karo dowr weyn marka loo fiiriyo dhererka xeebta iyo istiraatijiyada Juquraafiyadeed.

Yoolka Xisbiga isagoo ku hayo isha awoodahaas dabiiciga ah ee kor ku xusan waa in Dalka Soomaaliya uu noqdo mid ka mida dalalka aduunka ugu hodon san.si taas loo gaarana xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

NIDAAMKA MAALIYADA:

 

  1. Dejinta Siyaasad iyo Qorsho  horumarineed Nidaamka maaliyada dalka, Dakhliga iyo  Qarashkasidii  dalka soomaaliya uu isku filnaasho dhaqaale u gaari lahaa.

  2. Badalida lacagta Shilin Soomaaliga iminka la isticmaalo, si dhaqaalaha dalka loo badbaadiyo.

  3. In canshuurtana lagu qaado, Mushaaraadka lagu bixiyo shilin Soomaaliga.

 

XOOLAHA, BEERAHA IYO KHEYRAADKA BADDA:

Soomaaliya waa dal hodan ku ah xoolaha, leh dhul beereed iyo Bad baaxad iyo dhererba leh si looga faaidyesto xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

  1. Horumarinta iyo qaab ganacsi u badilada Dhaqashada Xoolaha, Beeraha, iyo Kaluumaysiga, si loo gaarsiiyo tayo sare oo la dhoofi karo.

  2. Daryeelka Caafimaadka  Xoolaha, Beeraha iyo Ilaalinta Degaanka Badda.

  3. Dhisida Warshado lagu farsameyo Caanaha, Hilibka, Hargaha, Lafaha,  dalaggaBeeraha. Iyo Kheyraadka badda.

  4. Horumarinta Nooca xoolaha, Dalaga, qaababka loo dhaqo xoolaha, wax soo saarka Beeraha iyo Badda.

  5. Horumarinta  iyo dhiirgelinta Cilmiyada iyo waxbrashada la xiiira Xoolaha, Beeraha, Badda, iyo  Macaahida Farsamo ee la xiriira. 

  6. Dhiiri gelinta Shirkadaha wadaniga ah iyo kuwa Shisheeye ee maalgashiga ku sameynaya waxsoosaarka Xoolaha, Beeraha iyo Badda.

  7. Canshuur dhaaf ku sameynta Qalabka  iyo daawada Xoolaha, Beeraha, iyo Badda.

  8. Dhiiri gelinta Mashruucyada Digaaga, isticmaalka guud ahaan Hilibka Cad.

  9. Sameynta Hay’ad qaabilsan Amniga Cuntada(Food Security), yeelata awood keydin, mid tirakoob iyo qeybin xiliga ku haboon  si dalkeenu u gaaro isku filnaansho cuntada ah loogana hotago abaaraha.

 

 DEGAANKA:

Xisbigu wuxuu rumeysan yahay in deegaanku uu yahay gundhiag nolosha dadka iyo duunyada soomaaliyeed, xaalufinta deegaankana ay sabab u noqon karto abaaraha, isbadalka cimilada, waxana xisbigu si xoogan ugu shaqeeynaya ilaalinta deegaankeena Badda, Bariga iyo Hawadaba inagoo u marayna talaabooyinka soo socda:-

  1. In aysan Soomaaliya noqon meel lagu aaso haraaga warshadaha kaasoo dhibaato u geysan karo, loomana ogolaanayo dalka maalgashi waxyeelaynaya Degaanka.

  2. In baaritaan lagu sameeyo cabasho kasto oo ka timaad shacabkaoo ku saabsan dhibaato ka taagan deegaanka, iyadoo lala kaashanayo Hay’adahaka shaqeeyo ilaalinta deegaanka.

  3. dhiirigelinta iyo barista Shacabka in ay dowr ka qaataan xal u helida xaalufinta iyo dhibaatooyinka degaanka haleela.

  4. Si dhaba u qaadashada talooyinka Hay’adaha ka shaqeeya ilaalinta deegaanka iyo kuwa cilmi barista.

  5.  Ku gacan siinta Dowladaha Hoose in ay sameeyaan siyaasado iyo qorshooyin ku aadan dhowrista deegaanka, Dhireynta, iyo nadaafada.

  6. Kor u qaadista wacyi Bulshadeedka ku aadan qimaha degaanka u leeyahay horumarka, iyo dhibaatada ay leedahay xaalufinta, iyo dhoofinta dhuxusha.

  7. Ku darista Manaahijta waxbarashada Maado ku soobsan Degaanka iyo sida lagu ilaalin karo.

  8. Kor u qaadista Ololaha dhireynta iyo bacaad celinta si loola dagaalamo nabaad guurka.

  9. Daryeelka Duurjoogta, ugaarta, Shinbiraha, ilaalinta kuwa sii dabar go’aya iyadoo la sameeynayo Hay’adda daryeela kana shaqeya ilaalinta iskudhafsanaanta Degaanka .

  10. Mamnuucida Dhoofinta Dhuxusha iyojarida xad dhaafka ah ee Dhirta.

  11. Dhiirigilinta ilo tamareed lagu badalo dhuxusho  iyadoo la dhiiri gelinayo mashruuca Gaaska cuntada lagu karsado.

  12. Sameynta Hay’ad u xilsaaran horumarinta degaanka, iyo  hortaga Xaalufinta.

  13. Ka hortaga adeegsida sunta ladagaalanka Cayayanka iyo daawooyinka Bacriminta beeraha ee wax yeelaya Degaanka.

  14. Dejinta siyaasado iyo Qorshooyin looga hortagayo Abaaraha iyo fatahaadyada.

  15. Sameynta Qaabab Biyaha roobka loo keydin karo si xiliyada Jiilaalka looga faa’ideysto.

 

GANACSIGA:

Dadkeenu  waxay ganacsi balaaran ka wadaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, soomaaliyana waxay xudun u noqon kartaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee geeska Afrika iyo Qaarada guud ahaan, arinkaas oo u suurta gelinaya Sooamaaliya in ay ka mid noqoto dalalka dhaqaale ahaan horumarsan si arinkaas loo suurta geliyo xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

  1. Dhiirigelinta Ganacsi salka ku haya suuqa xorta ah,  Iyo Lahaanshaha gaarka ah. 

  2. U fududeynta gelitaanka ganacsiga gaar ahaan dhalinyarada aqoonta leh, iyo hirgelinta aragtiyadooda ganacsi, iyo deyn siintaba.

  3. Casriyeynta iyo dib u habeynta Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyo Hay’adaha ku lugta leh ganacsiga gudaha sida Rugta ganacsiga.

  4. Faafinta iyo Dhiirgelinta Waxbarashada iyo Xirfadaha la xiriira Ganacsiga sida Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Suuqgeyta, maamulka, IWM.

  5. Dhiirigelinta iyo gacan-qabashada ganacsatada yaryar iyadoo la siinayo Tababaro, Talooyin iyo Deyn. 

 

MAALGASHIGA:

Dalkeenu waa Dal in maalgashi lagu sameeyo ku haboon faa’ido badanalaga heli karo,  si maalgashiga loo soo jiito xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

  1. Sameynta Wasaarada Maalgashiga iyo Ganacsiga Dibadda, oo ka shaqeysa sidii Soomaalida Qurba-joogta ah, iyo Shirkadaha shisheeye, iyo ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sidii maalgashi loogu sameysan lahaa dalka Soomaaliya iyo ilaalinta Maalgashiga soomaaliyeed ee dalalka aduunka.

  2. Dejinta Sharciyo dhowra Maalgashadaha, una fududeeya Maalgashiga.

  3. Ku wacyi gelinta qiimaha maalgashigu u leeyahay horumarka dalka; Xubnaha barlamaanka, Siyaasiyiinta, iyo Bulshada.

  4.  

  5. Kaabayaasha Dhaqaalaha

Si loo diyaariyo degaan Ganacsi iyo maal gashi lagu sameyn karo  wuxuu xisbiga qaadayaa talaabooyinka soo socda:

  1. Harumarinta iyo Balaarinta, kaabayaasha Dhaqaalaha sida waddooyinka, Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Buundooyinka.

  2. Asaasida Diwaanka Zakada.

  3. Gaarsiinta Laamiyada Degmooyinka iyo Tuulooyinka Dalka.

  4. Ka shaqeynta Sidii loo heli lahaa wadooyin iyo tareeno isku Xira soomaaliya iyo Dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa.

  5. Abuurista Suuqyada Xorta(Free Zone),  iyo qabashada Carwooyin ganacsi oo ay ka soo qeyb galaan shirkadaha gudaha iyo dibadda.

  6. AbuuristaKoronto raqiis ah, oo laga dhaliyo biyaha, Hawada, qoraxda  iyo Matooro waaweyn.

  7. Helida isgaarsiin casri ah, raqiis ah, iyo isku furida Shirkadaha ka shaqeeya isgaarsiinta.

  8. Balaarinta  Adeega Internetka oo tayadiisu sareeyso lagana heli karo meel walba oo dalka ka mida.

  9. Dhisida Hotelo iyo Guryo casir ah oo muwaadiniinta iyo Maalgashadyaashuba ay si raaxo leh ugu noolaan karaan.

 

MACDANTA IYOBATROOLKA:

Dalkeenu wuxuu qani ku yahay Macdanta iyo Batroolka oo u noqon kara saldhig kale horumarka dalka iyo dadka, si loo soo saaro Macdanta, iyo Batroolka Xisbigeenu wuxuu qaadayaa talaabooyinkaan soo socda:-

  1. Ka shaqeyntasoo saarista macaadinta, iyo Batroolka ku jira Badda iyo Bariga.

  2. In la dhowro xuquuqda Shirkadihii Dowladiihore ay siiyeen xuquuqda Baaritaanka iyo soo saarista Batroolka iyo macdanta.

  3. In Shirkadahaas lagu dhiiri geliyo in ay sida ugu dhaqsida badan ku  soo saaraan Batroolka, Gaaska iyo Macdanta, iyadoo laga shaqeeynayo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan

  4. Dhiiri gelinta Waxrashada la xiriirta Badroolka, Gaaska iyo macdanta.

 

SHAQADA IYO SHAQAALAHA:
  1. Dejinta Siyaasad iyo Qorsho lagu abuurayo shaqaaleysiin iyo howlgelin dhalinyarada iyo inta ku jirta xiligii shaqada si loo yareeyo shaqo la’aanta, dalkana dib loogu dhiso dhan walba.

  2. Daryeelida iyo ku Tababarida  xirfado shaqo dhallinyarada aan fursad waxbarasho helin si ay uga qeyb qaataan waxsoosaarka dalka.

  3. Ka shaqeynta inaan la siyaasadeyn shaqaalaha rayidka, qaadashadooda, mushaarkooda, gunooyinkooda, dalacsiintooda, iyo Howlgabkooda.

  4. In la dardar geliyo Gudiga Shaqaalaha rayidka ah si uu u noqdo mid dhowra xuquuqda shaqaalaha, kana shaqeeya hormarintooda.

  5. Horumarinta Shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa Shirkadaha gaarka ah ka shaqeeya iyadoo laga horumarinayoDhinaca Waxbarashada iyo Tababarka iyadoo la dhisayo Macaahid lagu tababaro shaqaalaha.

  6. Kordhinta Mushaaraadka, Gunooyinka, Daryeelka Caafimaadka ee  Shaqalaha Rayidka si Shaqaalo Aqoon iyo xirfad leh ay uga howl galaan laamaha dowladda. 

  7. Xoojinta Ururada Shaqaalaha si loo ilaaliyo xuquuqda Shaqaalaha. iyadoo xaruumihii iyo xafiisyadii uu ku lahaa Dalka dib loogu soo celinayo.

  8. Dejinta Sharciyo iyo xeerar ilaaliya xuquuqda Shaqaalaha, iyo kuwa Howlgabka ah.

  9. In la dejiyo Siyaasada  iyo qorshe ku aadan jaangoynta  “Heerka Mushaarka ugu hooseeya.

  10. In la soo celiyo nidaamkii howlgabka.

  11. In ay jirto saami laga gooyo Shaqaalah oo ku aadan howl-gabka maalgelina lagu sameeyo

  12. In la geliyo dhamaan shaqaalah Rayidka iyo kuwa gaarkaba Caymis.

 

LA DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA:

Musuqmaasuqa waxaa uu ragaadinayaa dibna u dhigayaa horumarka siyaasadeed iyo midka dhaqaale wuxuna duminayaa kalsoonidii shacabka ay ku qabeen dalkooda, dowladooda iyo xukuumadooda sidaa darteed Xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinkaan si loo cirib tirio:-

  1. Ka wacyi gelinta dhamaan siyaasiyiinta, Howladeenada sare iyo Bulshada inteeda kale dhibaatooyinku Musuqmaasuqa  u geysanayo Dowladda, Nabadda,horumarka Siyaaasadda, Dhaqaalaha, iyo Bulshada.

  2. Dejinta Sharciyo, xeerar lagu cirib tirayo Musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan, sida laaluushka, xatooyada iyo wax-is-weydaarinta, ku tagrifalka Awaada iyo Hanti guud,  xigaaleysiga, nin jecleysiga, kooxaysiga IWM. 

  3. Baaris hufan ku sameynta Dhamaan warbixinada tilmaamaya Musuqmaasiq ee lagu helo ilaha sirdoonka ama warbaahinta iyadoo loo soo bandhigayo natiijada Garsoorka.

  4. Sameynta Gudiga qaran ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, iyo Horumarinta Hanti-dhowrka Qaranka.

  5. Diiwaan gelinta hantida Madaxda Sare ee Dowladda marka ay qabanayaan xilalka qaran. 

 

KUSOO BIIR XISBIGA KULAN: 

  • Facebook Clean Grey
  • Twitter Clean Grey
  • Google+ Clean Grey
  • LinkedIn Clean Grey
  • Instagram Clean Grey
  • YouTube Clean Grey

© 2015 by  Xisbiga kulan

bottom of page