top of page
 

DOWLADDNIMADA:

Bilowgii sagaashameeyada waxaa  burburay dowaladii iyo xukuumadii, welina dalku waa kala qoqoban yahay waxana jira kalsooni daro u dhaxaysa siyaasiyiinta iyo shacabka  iyadoo cadaalad dari, caburin iyo ku tagri-fal awoodaha xukuumada laga baqayo, si dhibaatooyinkaas wax looga qabto xisbigeenu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:

 

DOWLADDA:
  1. Dhisida Dowladd xoogan, oo  ku dhisan  wadalahaansho, maamul wanaag, sinaan, cadaalad,  sharci wadatashi, hufnaan laamaheedana uu ka dhaxeeyo is dheelitir iyo iyo isla xisaabtan.

  2. Madax banaanida  iyo Qaranimada soomaaliya  waxaa gaaray dhaawacyo waaweyn sidaa darteed Dowladu waxay ka shaqeynaysaa soo celinta Madax banaanida, iyo Qaranimda.

  3. Midniamda Soomaaliya waa muqadas, Xisbiguna waxaa uu ka shaqeynayaa in dib loo soo celiyo midnimada Jumhuuriyada iyadoo loo marayo wada hadal, dib u heshiisiin, baahinta cadaalada, shaqeynta sharciga, adeegyada bulshada, horuarmka iyo sugida amaanka.

  4. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa sidii dowladda dhexe u ahaan lahayd mid shaqeysa, oo loo wada siman yahay, sidaasoo kale waxay xoojinaysaa maamul goboleedyada,  maamulka gobolada, degmooyinka iyo Tuulooyinka iyadoo adeegyada la baahinayo.

  5. Dhaqan gelinta in  Siyaasadda  Dibadda, Lacagta, iyo Ciidanka  ay tahay waajibaadka dowaladda dhexe.

  6. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa in Laamaha Dowladda ay noqdaan kuwa ka caagan Musuqmaasuq, Qabyaalad, nin jecleysi, iyo kooxeysi, waxana la sameynayaa sharciyo ka hortaga arimahaas.

  7. In Qorsho Istiraatiji ah Dalka soomaaliya loo sameeyo, kaasoo lagu dhisayo dhaamaan laamaha dowladda, oo fulinteedu ku xirneyn shaqsiyaad iyo waqti kooban iyo xukuumad.

  8. Ka shaqeynta ka gudubka Qaabka awood qeybisga ee dhisan Qabiilka iyadoo looga gudbyo  Nidaamka Axsaabta oo lagu mideynayo intii isku aragti ah iyadoon loo egeyn heybtoooda.

 

DAWLADDA IYO DIINTA:

Shacabka Soomaaliyeed Diintiisu waa islaam, suni ah, wuxuuna xisbigu Qaadayaa Talaabooyinkaan soo socda:-

  1. Ka shaqeynta in Islaamku ahaado Diinta dowladda.

  2. Inaan la soo saarin sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasideeda.

  3. Dhisida Hay’adda Iftada, iyo Magacaabista Muftiga Qaranka si Shacabku iyo xukuumaduba u helaan aragti diineed sax ah, dhexdhexaad ah, kuna qotonka cilmi iyo baaris ay culumo sameeyeen.

  4. Baahinta Barashada Diinta islaamka, Daryeelka Culimada ku howlan faafinta diinta, Xerta, iyo Horumarinta Xaruumaha lagu barto diinta sida Dugsiyada Quraanka, Masaajidda, iyo Macaahida.

  5. Soo celinta iyo Balaarinta Machadyadii Azhar, iyo kuliyadii Daraasaadka Islaamka. 

  6. Faafinta iyo dhiiri gelinta Fahamka Dhexdhexaadka ee Diinta islaamka si looga hortago aragtiyada xag-jirka ah ee aan ka tarjumayn Islaamkeena.

  7. Qadirinta Culimada waaweyn, Madaxda Dariiqooyinka,  iyo Jamaacaadka.

  8. Faafinta iyo dhowrida Mad-habka Imaamu Shaafi, Dhiirgelinta Barashada Madhabka.

 

DIB U HESHIISIINTA:

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in shacabka soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba ay ku kal dhex jirto kalsooni daro ay sababtay dagaaladii sokeeye iyo xukun kala tooxsigii sidaa darteed Xisbigu wuxuu xooga saarayaa:-

  1. Dib u heshiisiin heer shacab ah iyo mid heer siyaasadeed ah.

  2. Fidinta dhaqanka isbadal siyaasadeed oo ku dhisan nabad, iyo tartan hufan.

  3. Dhisida isbahaysiyo siyaasadeed oo ku dhisan run iyo wada tashi.

  4. Cilmi baaris ku sameynta ilaha abuura khilaafaadka bulshadeed iyo kuwa siyaasadeed iyadoo la fulinayo qaababka xalka lagu gaari karo iyo sida looga hortagi karo.

 

XUKUUMADDA:

Xukuumadu waa qeybta fulinta ee dowlada si loo horumariyo loona dardar geliyo waxaynu qaadaynaa talaabooyinkan:

  1. In Wacyi gelin balaaran laga sameeyo in Bulshada iyo Siyaasiyiintu kala saaraan Dowladda iyo Xukuumada, oo ay tahay in Dowladda ay tahaay Hay’adaha Qaranka, Qaranimadii iyo Dhulkii oo aan wada leenahay dhismaheeduna iyo horumarinteena ay tahay mid ummadda ka wada dhaxaysa, tiiyoo ay xukuumadu tahay meel la isku badalayo oo aragtiyadii dalka lagu hormarin lahaa lagu fulin laha, iyadoo shaqaalaha rayidka ah aysan ahayn in ay saameyso isbadalka siyaasiyiinta ay xukunka isku badalayaan

  2. In la badiyo doodaha wax ku oolka ah ee Siyaasiyiinta iyo Bulshadaba ee  ku saabsan qaabka ugu haboon ee Xukuumada Soomaaliya ay noqon karto iyadoo laga faa’ideysanayo khibradihii siyaasadeed ee laga soo bilaabo Xurnimadii(Nidaam Madaxtooyo, Mid Barlamaan, iyo mid isku dhaf ah). iyo sidoo kale nooca federaalka ah ee ku haboon Soomaaliya, Awooda Dowalada Dhexe iyo Awoodaha dowlad goboleedka.

  3. Dhisda Xukuumad,  si dhaba umatasha Soomaalida,  Aqoon iyo tayo leh, hormarisa Bulshada, Dhaqaalaha, iyo Siyaasadda, horseeda Dib u heshiisiin dhab ah, isdhexgal Bulshadeed, Xaqiijisa Amaankaa.

  4. Xubnaha Xukuumada ka noqonayo Madaxda waxan ku dooranaynaa:-

    • Wadaniyad.

    • Aqoon ku filan oo aan ka yareyn Jaamacad.

    • Inuu yahay Siyaasi faham durugsan u leh dalka iyo dadka.

    • Firficoon

    • Anshax wanaagsan

    • Nadiif ka ah Musuqmaasuq, Cadaalad darro. Iyo Qabyaalad.

  5. Baahinta Maamulka iyo ku tababarida Shaqaalaha dowlada ilaalinta waajibaadka iyo Xuquuqda ay jago walba leedahay iyadoo la dejinaya sharciyo ilaaliya xadgudka lagu sameynayo Awooda(Power Abuse)

  6. In saami looga qoondeeyo Xukuumada iyo laamaha kale ee dowladda; Haweenka, Dhalinyarada, Mujtamacaadka laga tirabadan yahay, iyo Naafada.

  7. In dib u habeyn balaaran lagu sameeyo;  Wasaaradaha, hay’adaha Qaranka iyo Laamaha dowaldda iyadoo loo sameeynayo Siyaasad iyo Qorsho.

  8. Horumarinta gudiyada madaxa banaan

 
AMNIGA QARANKA IYO DIFAACA:

Ilaalinta amniga qaranka waa muhimada kowaad ee dowladda, waana in lagu barbaariyo dhamaan Bulshada in ay kala shaqeeyaan dowaladda sidii loo ilaalin lahaa amniga qaranka.Si  Amniga qaranka loo ilaaliyo xisbigu wuxuu qaadayaa Talaabooyinkaan soo socda:-

  1. Hirgelinta Olalayaal lagu wacyi gelinayo Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culimada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Dhamaan qeybaha kale ee Bulshada Tiirarka Amniga qaranka iyo qiimaha ay leedahay in la ilaaliyo.

  2. Waxaa la sameeynayaa Siyaasado iyo Qorshooyin ku saabsan sidii loo casriyeyn lahaa loona horumarin lahaa Ciidmada Qalabka Sida (Xoogga Dalka, Boolis, Nabad Sugidda, iyo Asluubta).

  3. In Ciidanka soomaaliya laga dhigo Ciidan Xirfadeyley ah (Professional Army)  iyadoo dhalinyaro aqoon  iyo  xirfad Ciidan leh lagu abuuro ciidamda Qalabka sida.

  4. Xoojinta Daryeelka Ciidanka iyo Qoysaykooda gaar ahaan dhanka Mushaaraadka, Gunooyinka, waxbarashada, Hoyga, iyo Caafimaadka.

  5. In Lagu tababaro dhamaan Ciidamada Qalabka Sida saraakiil iyo Askarba in ay dhowraan Xuquuqda Muwaadinka, iyo guud ahaan shacabka. 

  6. Soo celinta Kuliyadihii, macaahidii iyo xerooyinkii Ciidamada lagu tababari jiray, iyadoo Tababarada Askarta iyo saraakiisha hoose lagu qaadanayo dalka.

  7. U helida Saraakiisha sare Waxbarasho Ciidan oo dibada ah si ay  u noqdaan macalimiintii beri iyo gudbiyaasha khibradihii dibada laga soo helay.

  8. In lala galo Heshiis Istiraatiiji ah oo horumarinta  Ciidamada qalabka Dalalka aan saaxiibada nahay si ciidankeenu u helaan saaxiibo dhab oo xili walba ah(Stratigic Partener)

  9. Ciidamda Qalabka sida  in ay yeeshaan Isku xirnaan joogta ah  si ay isku dhaafsadaan xogta iyo khibradaha una yeeshaan howl galo midaysan markii loo baahdo.

  10. Masuuliyada Amniga Qaranka Soomaaliya waxaa uu saran yahay Dowladda Soomaaliya oo adeegsaneysa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sidaa darteed in laga shaqeeyo sidii looga maarmi lahaa Ciidama Shisheeye kasta oo u yimid in ay Xukuumada gacan siiyaan, iyo in waqtiyeeyn(Road Map) loo sameeyo bixitaankooda.

  11. La dareeylo Saraakiisha iyo Askarta howlgabka noqotay iyo kuwa ku naafoobay difaaca dalka, iyo Caruurtooda. 

  12. In laga shaqeeyo Sumcada iyo kalsoonida u dhaxaysa Ciidamada iyo Shacabka.

  13. In kor loo qaado Mushaarka iyo daryeelka Ciidamada Qalabka sida. 

 

CADAALADA:

Cadaalada iyo garsoorku waa tiir ka midah tiirarka ugu mudan in wax laga qabto si loo taabo geliyo cadlaad baahda xisbigu wuxu qaadayaa talaabooyinka soo socda:- 

  1. Ilaalinta iyo xoojinta  madax banaanida garsoorka, sareynta Sharciga, iyo u sinaanta muwaadiniinta  ee sharciga.

  2. Xoojinta shaqeynta Sharciga (Rule of Law).

  3. Horumarinta Xafiisyada, Hay’adaha ,xeerarka Garsoorka, Garsoorayaasha, Abukaatayaasha iyo Howladaneeda kale ee Garsoorka.

  4. Hagaajinta Xabsiyada dalka lagana dhigo goobo dhaqan celineed oo aan ahayn goobo ciqaabeed.

  5. Daryeelka Maxaabiista gaar ahaan dhinaca  Jiifka, Cuntada, caafimaadka, Waxbarista, farsamo barista iyo jirdhiska si loogu diyaariyo muwaadiniinta xabsiga ku jira in ay dib ugu laabtaan buslahdooda iyagoo ka qeyb qaadanaya horumarka dalka.

  6. In muwaadin kasta uu helo Qareen iyo Garsoor caadil ah.

  7. Ciidamada ku lugta leh fulinta Sharciga sida Booliska, Asluubta iyo Nabad sugidda in lagu tababaro ilaalinta xuquuqda Insaanka iyo qaababka loola dhaqmo muwaadiniinta.

  8. Horumarinta Dustuurka, iyo Sharuucda si loo helo dowladnimo, dhaba.

  9. Qaadista Ololo  wacyigelineed oo ku saabsan dustuurka iyo Shuruucda si loo helo muwaadiniin  garata xuquuqda iyo waajibaadka.

 

XIRIIRKA DIBADDA:

Xisbigu isagoo garwaaqsan mudnaanta ay leedahay in xiriir wanaagsan lala yeesho Dalalka aduunka,  xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

  1. Ujeedada Siyaasadda Xiriirka Xisbiga ee Dibada waa suurta gelinta Danta Dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxana sal looga dhigayaa xoojinta xiriir ku dhisan wax wadaqabsi, Istixgelin, iyo Sinaan.

  2. Xisbigu wuxuu la sameynsanayaa xiriirka Xisbiyada ka dhisan wadamada aduunka.

  3. Xoojinta iyo xiriirka Iskaashi ee Dalka Soomaaliya kala dhaxeeya Wadamada Aduunka.

  4. Dardar gelinta diplomaasiyada Shacabka soomaaliyeed kala dhaxaysa shucuubta Caalamka.

  5. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa sidii Soomaaliya xubin firfircoon uga noqon lahayd ururrada Soomaaliya ay xubinta ka tahay.

  6. Xisbigu wuxuu ixtiraamayaa mabda’a nabad kuwada noolaanshaha iyo ka fogaanshaha faragelinta arimaha gudaha ee dalalka.

  7. Xisbigu wuxuu ilaalinayaa heshiisyada ay soomaaliya horay u saxiixday, Barlamaanadii soomaaliyana ay meel mariyeen.

  8. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa in  Soomaaliyaka mid noqotodalalka barwaaqo sooranka(Common wealth).

  9. Xisbigu Wuxuu dejinayaa siyaasadDibadeedoo sare loogu qaadayo maqaamka Diplomaasiyada Soomaaliya, iyadoo dib u habeyn lagu sameynayo Wasaarada arimaha Dibada. 

  10. Xisbigu wuxuu si gaara uga howl galayaa sidii dalka soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed ay u yeelan lahaayeen saaxiibo istiraatiiji ah (Sratigic Parteners) oo dowr weyn ka ciyaara dhisida Hay’adaha Dowlada ,iyo horumarinta Dalka.

 

XISBIYADA:

Xisbiyadu waa tiir ka mida tiirarka siyaasada, waxayna horseedi karayaan in laga baxo awood qeybsi ku dhisan Qabiil sidaa darteed xisbigu  wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda;-

  1. Ka shaqeynta sidii xisbigan u noqon lahaa xisbi taageero badan leh oo u soo jiida Soomaali badan in ay siyaasad nadiif ah ka shaqeeyaan.

  2. In xisbigu dowr weyn ka qaato sidii dalka uu ugu hirgeli lahaa Nidaamka Xisbiyada badan, tartan xor ah loo wada galo hogaaminta dadka iyo dalka, iyo dhidibada in loo taago  nidaam dimuquraadi ah oo shacabku leeyahay awooda doorashada hogaamiyaasha dalka.

  3. Si loo helo midnimo siyaasadeed loogana baxo loolanka ragaadiyay Xukuumadihii hore,  Xisbigu hadii uu ku guuleysto xukunka wuxu balan qaadayo inuu dhiso xukuumad wadaag ah oo xisbiyada siyaasadeed, rug cadaaga iyo khurbada madaxa banaan ay dowr muhima ku leeyihiin.

  4. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa sidii Xisbiyada kale ee dalka ka jira ula sameysan lahaa isbahaysi lagu hormarinayo dib u heshiisiinta, awood wadaqeybsiga, wadatashiga, dimuquraadiyada, iyo midnimada qaranka.

  5. Hormarinta Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jiro iyo kabida Miisaaniyada Xisbiyada si loo ilaaliyo madaxbanaanidooda.

 

WARFAAFINTA:

Warfaafintu waa awooda afaraad waana awood u dhaxaysa shacabka iyo xukuumada, tiiyoo ay jirto in dimuquraadiyad, iyo nidaam siyaasadeed hana qaadi karin hadii aysan jirin warfaafin tayo leh oo madax banaan sidaa darteed xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

  1. Horumarinta Warbaahinta Xukuumada, si loo horumariyo Bulshada.

  2. Dhowrista madaxbanaanida  Warbaahinta.

  3. In Raadiyaha Muqdisho iyo Telefiishinka loo sameyo Gudi gaara oo maamulo(Broadcast Commission).

  4. Horumarinta Wakaalada Wararka Soomaaliyeed (SONNA) si loo   soo celiyo adeegii wakaaladu ay u haysay xukuumada iyo warbaahinta.

  5. Horumarinta Wariyayaasha, Farsameyaqaanada iyo howladeenada warfaafinta Xukuumada iyo warfaafinta gaarka loo leeyahay.

  6. Ilaalinta Xuquuqda Warfidiyaha iyo Warbaahinta iyadoo lala kaashanaya Hay’adaha Xuquuq insanka ee Qaran iyo kuwa Bulshada Rayidka.

 

 

XUQUUQDAAADANAHA:

 

Ilaalinta Xuquuqda Shaqsiga iyo tan Bulshada waa waajibka Dowlada, iyo sidoo kale waajib bulsho, dhowristaxuquuqda aadanaha waxay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, kalsoonida xukuumada, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha, iyo Bulshada.

Xisbigu si loo dhowro Xuquuqda Baniadamka wuxu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

  • Ka shaqeynta sidii qofka kasta iyo dhamaan Bulshada ay u heli lahaayeen xuquuq dhameystiran  sida siyaasad, Dhaqaale, Waxbarasho, Aragti, Qowl, Caafimaad,  Hoy, iyo garsoor caadil ah, xuquuqdaas oo  waafaqsan Dustuurka iyo Shuruucda Dalka u yaal.

  • Ilaalinta si gaara xuquuqda qeybaha bulshada ee nugul sida Dhalinyarada, Haweenka, Caruurta, Naafada, Mujtamacaadka tirade yar iyo Maxaabiista.

  •  Dhisida Gudiga xuquuqda Aadanaha ee Qaran,

  • Dhiiri gelinta, Horumarinta, iyo lashaqeynta Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Bulshada Rayidka.

  • Ka shaqeynta dhowrista iyo fulinta Heshiisyada iyo Baaqyada Xuquuqda Aadanaha ee ay soomaaliya qeyb ka tahay.

  • Dejinta Manhaj Xuquuqda Aadanaha ka haldayo oo lagu daro Maadooyinka lagu dhigto Dugsiyada Sare.

  • Ku tababarida dhamaan shaqaalaha barashada xuquuqda aadanaha, tan shaqaalaha iyo sida loo ilaaliyo.

 

 

KUSOO BIIR XISBIGA KULAN: 

  • Facebook Clean Grey
  • Twitter Clean Grey
  • Google+ Clean Grey
  • LinkedIn Clean Grey
  • Instagram Clean Grey
  • YouTube Clean Grey

© 2015 by  Xisbiga kulan

bottom of page